Ciyaaraha
Hordhaca Man city vs Watford ee finalka FACUP-KA taariikh ayay dhigayaan haddii ay qaadaan.
Man city ayaa fiidkii la ciyaareysa Watford oo ay wada leeyahiin kulan finalka FA CUP-ka waxaana city dhankeeda la filayaa in Kevin De Bruyne uu ku soo biloowdo maadaama kulankii Brighton ee horyaalka uu ka soo kacay keydka si lamida Fernandinho isna uu diyaar buuxa yahay.
Xogta kulanka Watford haddii kulankaan guul dareystaan waxa ay u noqoneysaa markii 10-aad ee xariir ah ee ay ku hor kufayaan Man city dhamaan tartamada waxa ayna guul la,aan yihiin 15-kulan ee ugu dambeeyay tan iyo sanadkii 1989-kii xiligaas oo ay hal gool ku garaaceen.
waxaa ay noqoneysaa markii ugu horeeyay ee ay labo tababare oo isku waddan ah ay yimaadaan finalka FACUP-ka tan iyo sanadkii 2008-dii waxaana xiligaas sidaas sameeyay Dve Jones iyo Redknapp waana markii labaad ee laba tababare aan aheyn Ingriis isku arkiyaan finalka tartankaas waxaana 2001-dii sameeyay Wenger iyo Gerard Houllier oo u dhashay France.
Midkii badiya labada tababare caawa waxa uu noqonayaa macalinkii sedexaad ee Spanish ah ee Ku guuleysta FA CUP-ka waxaana horay sidaas u sameeyay Rafael Benitez 2006-dii Liverpool iyo Roberto Martinez 2013-kii wigan kana qaaday Man city.
Man city ayaa ku hamineysa in ay noqdaan kooxdii ugu horeeysay ee Ingiriis ah ee isla qaada horyaalka iyo league cup-ka oo ay qaadeen iyo FA CUP-ka.