Ciyaaraha

Hordhaca Barcelona vs Valencia.

Barcelona iyo Valencia ayaa wada ciyaaraya finalka COPE DEL REY waxa uuna ka dhacayaa magaalada sevilla.

Barcelona ayaa baadi goobeysa in markii 5-aad oo xariir ah ay ku guuleystaan COPE DEL REY halka Valencia iyana doonayaan in markii ugu  horeysay koobkaan qaadaan tan iyo sanadkii 2008-dii.

Barcelona ayaa markii labaad finalka cope del rey ku ciyaareysa magaalada Sevilla waxa ay horey ugu ciyaareen sanadkii 1925-tii.

Valencia ayaa Barcelona ku wajaheysaa cope del rey markii ugu horeeyay tan iyo xili ciyaareedkii 1971/1972-dii waxaana xiligaas badisay Barcelona sidoo kale waa finalkii afaraad ee cope del rey ee labada koox ciyaaraan.

Barcelona ayaa finalka tartanka imaaneysa markii 60-aad ee xariir ah waana rikoor iyaga u yaal , waxa ayna guul dareysteen kaliya hal jeer 5-tii final ee ugu dambeysay waxa ayna aheyd 2014-tii waxaana xiligaas ka qaaday Real Madrid.

Valencia kama aysan badin Barcelona 6-dii kulan ee ugu dambeeysay ee cope del rey waxa ayna qaabileen 14guul daro markii ugu dambeeysay ee Valencia ka badiyaan Barcelona waxa ay aheyd 2008-dii waxa ayna lugtii koowaad semi finalka koobkaan xili ay ku badiyeen 3-2 waxaana la joogay CAMP NOU.

Messi waxa uu Valencia ka dhaliyay tartankaan 6-dii kulan ee ugu dambeeysay 3-gool.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close