Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Liverpool kulan ka tirsan lugta1-aad ee semi-finalka tartanka champions league kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.
Barcelona oo aan muddo dheer ku guulaysan koobka dhagaha weyn ayay ka go,antahay in ay xili ciyaareedkan ku guulaysato waxana ay u soo gali doontaa sidii ay haatan hal lug ula sii gali lahayd finalka guul weyna uga gaadhi lahayd Liverpool.
Dhanka kale kooxda Liverpool oo finalka tartanka gaadhay xili ciyaareedkii hore ayaa doonaysa in ay dhamaystirto shaqadii ay bilowday xili ciyaareedkii hore markana kor u qaado koobka waxana ay Camp Nou u soo gali doontaa sidii ay natiijo waxku ool ah ugala bixi lahayd ka hor inta ayna garoonkeeda Anfield la tagin todobaadka dambe.
Kulanka Barcelona iyo liverpool ayaa waxaa u dhaxeeya ayaa waxaa uu soo gali doonaa Wakhtiga 10:00 habeenimo gayska Africa.
Barcelona iyo Liverpool ayaa wada Ciyaaray 8 kulan taariikhdooda dheer iyada oo Reds ka gacan sarayso kooxda Barcelona iyada oo badisay 3kulan 2kulan bar-baro lagashay halka Barcelona badisay 2 kulan laakiin Barce ayaan waligeed Liverpool ka reebin tartanka yurub.
Kulankii ugu dambeeyay ee dhex mara labada kooxood ayaa ahaa 2007 markaas oo ay ku kulmeen wareega 16-ka Champions league iyada oo Liverpool ku soo baxday goolka martida kadib markii 2/2 ku kala bexeen kulankii lugtii 2-aad.
Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee reer England ee Barcelona ku garaacday Camp Nou tartanka yurub iyaga oo 1/0 ku garaacay sanadkii 1975/1976 kulan Uefa cup ahaa iyo 2/1 ay ku garaacday champions league 2006/2007.