Ciyaaraha
Hordhaca Arsenal vs Chelsea
Chelsea iyo arsenal ayaa caawa isku arkaya finalka Europa league waxa ayna Arsenal in ay badiyaan si ay xili ciyaareedka dambe uga qeyb galaan tartanka champions-ka.
Xogta kulanka
waa markii labaad taariikhda oo laba koox oo Ingiriiska ah ay isku arkayaan finalka UEFA cup/Europa league waxaana horay sidaas usameeyay Chelsea iyo wolves oo sanadkii 1972-dii isku arkay finalka UEFA cup.
waa kulankii 198-aad ee labada koox dhex mara dhamaan tartamada halka ay tahay markii sedexaad oo ay isku arkayaan tartan European league waxa ay kulmeen xili ciyaareedkii 2003/2004, Waxaana la joogay quarter-finalka champions league waxa3-2 ku soo baxday Chelsea ka dib laba is arag.
Naadiyadaan ayaa marka 6-aad imaanyaan final yurub ah kaliya waxa ka sareeya Man United iyo Liverpool oo kala haysta 7ila 14jeer.
waa markii 3-aad oo laba koox isku dal ah tagayaan finalka Europa league waxaana horay sidaas u sameeyay FC Porto iyo Braga oo Portugal ah waxa ayna aheyd sanadkii 2011-kii, Atletico Madrid vs athletic club waxa ayna aheyd 2012-kii.
Arsenal waa ay guul dareysteen Afar ka mid ah 5-tii jeer ee ay yimaadeen European final kaliya waxa ay guuleysteen 1995cup winners cup ay ka qaadeen Parma waa ayna guul darsteen sedexdii jeer ee ugu dambeysay kuwaasi oo kala ahaa 1995cup winners cup, 2000 UEFA cup iyo champions league final sanadkii 2006-di.
Tababaraha Arsenal ee Unai Emery sedex jeer ayuu ku guuleytay koobkaan waxa uuna la qaaday Sevilla sanadkii 2014/2015 iyo 2016-kii mana jiro tababare ka badan oo sidaas sameeyay.
Chelsea waa ay badiyeen afar ka mid ah 5-toodii kulan ee European final-ka 2-jeer waxa ay qaadeen cup winners hal jeer champions league iyo Europa league ah kaliya Man United iyo Liverpool ayaa ka sareeya kuwaasi oo haysta min 5 iyo 8.