Ciyaaraha
Hor dhaca Man City vs Spurs.
Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier league ayaa noqon doona mid ka dhici doona garoonka Etihad stadium kulanka dhexayn doona kooxaha man city iyo tottenham .Man city ayaa rajaynaysa in ay sii dheeraysatorikoodhkeeda cajiibka ah ee bilowga horyaalka ee garoonkeeda iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin 24kulan tan ilaa markii ay guuldaro kala kulmeen southamton xili ciyaareedkii 1989/1990
Kooxda tottenham ayaa guul ku bilaabatay horyaalka premier league xili ciyaareedkan laakiin doonaysa in ay ka fogaato guuldaradii 7-aad oo xariir ah oo ay premier league kala kulmeen iyaga oo ka baxsan garoonkooda markii ugu horaysay tan ilaa 2000
Man city ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay tottenham kaga hor tagtay premier league laakiin waligood may badin 5kulan oo xariir ah premier league iyaga oo wada ciyaari doona kulankoodii 141-aad
Raheem sterling oo dhaliyay saddexley kulankii ugu horeeyay ee man city ayaa si toos ah ugu lug lahaa 6gool 6-dii kulan ee tartamada oo dhan uu ka hor tagay tottenham 5gool iyo 1caawin iyada oo ay ku jirto 4gool oo uu ka dhaliyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu kaga hortagay garoonkooda Etihad stadium
Spurs ayaa ahayd kooxdii ugu badnayd ee goolka ku laagtay kubada kulankii ugu horeeyay ee premier league iyaga oo 31jeer ku laagay.