Wararka

Hoggaamiyaha dalka Myanmar oo ka qayb gashay dhagaysiga Kiiska dacwada loo haysto.

Hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa maanta ka qayb-gashay dhagaysiga Kiiska dacwad ay ka gudbisay dowlada Gambia kaas oo ku aadan in ciidamada Militariga ah ee Myanmar ay si ula kac leh xasuuq u gaysteen dadka Muslimiinta Rohingya ah ee laga tirada badanyahay.

Kumanaan ruux oo reer Myanmar ah ayaa iskuugu soo baxay magaalada Yangon si ay taageero ugu muujiyaan Aung San Suu Kyi oo 74-sano jir ah.

Hoggaamiye Aung San Suu Kyi ayaa 28-sano ka hor maanta oo kale waxaa ay guddoonttay Abaal marinta Nabada ee Nobel Peace Prize balse dacati ay gaysteen ciidamada dalkeeda, maanta ayay ku sugantahay Maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ee Magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Kudhawaad 740,000 oo Muslimiin Rohingya ah ayaa ku barakacay dalalka dariska la ah dalka Myanmar sida Bangladesh waxaana baaritaano ay sameeyeen Quburo ka socotay Hay’adda Qaramada midoobe ay horay u xaqiijiyeen in wixii dalkaasi ka dhacay ay aheed xasuuq loo gaystay dadka Muslimiin Rohingya ah.Image may contain: 1 person, close-upImage may contain: 3 people, indoorImage may contain: 3 peopleImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close