Wararka
Hoggaamiyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea oo dhawaan kulmi doona.
Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya DR. Abiy Axmed Cali ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twetter-ka waxaa uu ku sheegay in uu kulan seddex geesood ah la qaadan doona madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Kulankaasi oo ka dhici doona magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayuu ra’iisal wasaarahu ku sheegay in ay kaga wada hadli doonaan arrima badan oo dan ugu jirta seddexda dal.
Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya DR. Abiy Axmed Cali ayaa galankii danbi ee maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea iyadoo ay halkaasi kusoo dhaweeyeen masuuliyiin uu hor kacaayay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
“Waxaan kulan la yeelan doonaa walaalahayga, Eritrea iyo Soomaaliya, Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Mohammed Abdullahi waxaana kala wada hadli doonaa arrima badan sidii caadiga aheedba. kulankeenana waxaa marti galin doonta caasimada Asmara” ayuu kusoo qoray boggiisa twetter-ka ra’iisal wasaaraha.
kulankaan ma ahan kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah, balse horaantii sanadkii tagay ee 2019-ka ayay seddexda hoggaamiya yeesheen kulan seddex geesood ah kaas oo ay diiradda ku saariin sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dalalkaan dhaca geeska Africa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isna la’filayaa in uu dhawaan ka dago daroonka diyaaradaha ee Asmara si uu ugu qayb gallo kulankaasi.