Wararka

Hirshabelle oo bilawday baaritaano lagu ogaanaayo dadkii ka danbeeyay dilka 8 ruux.

Wasarada amniga dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shaacisay in ay baaritaan ku sameyn doonan falkii dhowaan ka dhacay deegaanka Gololey ee hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabelada dhaxe.

Deegaanka Gololey ayaa dhowaan  waxaa lagu dilay shaqaale ka shaqeynayay Xarun lagu daryeelo Hooyada iyo dhalaanka ,shqaalahaas oo dhamaantood rag ahaa ayaa la sheegay in rag hubeysan ay kala baxeen MCHKA deegaanka.

Guddoonka sare ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiil katirsan Waaxda Baarista Dambiyada ayaa bilaabay baaritaan dhab ah si ay waxa uga ogaadaan sababaha ka dembeya dilka ragani.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa cambaareyey falkaasi  isagoona ku tilmaamay mid argagax leh waxana uu  sheegay in hir-Shabeelle ay bilaawday baaritaan la xiriira 8 ruux ee lagu diley deegaanka Gololeey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close