Wararka
Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo bandhigtay sawirada labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay sawirada labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo todobaadyadii la soo dhaafay isku soo dhiibay Ciidamada dowlada.
Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in 9 Sarkaal ay todobaadyadii la soo dhaafay iska soo dhiibay Gobolka Gedo.
Qoraalka NISA Laguma shegin magacyada ragaan NISA ay sheegtay inay isu soo dhiibeen Balse waxa la sheegay in Al-Shabaab ay u qaabilsanaayeen Maktabka Dacwada .
Isbuucyadii ugu dambeeyay dhowr sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa waxay iska dhiibeen magaalooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo deegaano kale.