Wararka

Hay’adda USAID oo kaalmo caafimaad soo gaarsiisay wasaaradda caafimaadka.

Hay’adda USAID gaar ahaan mashruuca Geel ayaa maanta agab caafimaad ku wareejisay wasaaradda caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka koobnaa maaska af xirashada oo gaaraayay 150,000.

Munaasabada ay Hay’adda USAID ku wareejisay agabkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka marwo Fowsiyo Abikar Nuur, wasiirka wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha XFS Sadiiq Xersi warfaa iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn wasiirka wasaaradda caafimaadka marwo Fowsiyo Abikar Nuur oo ka hadashay kaalmadaan ayaa u mahadcelisay dhamaan howlwadeenada mashruuca Geel ee Hay’ada USAID waxaa ayna ku boorisay in ay sii laba jibaaraan kaalmada ay wasaaradda la garab taaganyihiin.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha XFS Sadiiq Xersi warfaa oo dhankiisa ka hadlay munasabada ay wasaaradda caafimaadka kula wareegaysay qalabka caafimaad ayaa mahad celin ujeediyay shaqaalaha Soomaaliyeed ee soo saara agabka loo adeegsado ka hortagga #Covid19.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close