Wararka
hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda oo lacag gargaar ah ku wareejisay Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha.

hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lacag dhan $10,000 ugu deeqay Dadka ay saameeynta ku yeesheen fatahaadaha Webiyada Shabeelle iyo Jubba, si wax loogu qabto loogana gudbo dhibaatooyinka fatahaadaha.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Lacagtaas ku wareejisay Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha,si ay u gaarsiiyaan dadkii loogu talagalay.
Xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo howlwadeenadeeda sida ay uga qeyb qaateen u gurmashada walaalohooda oo dhibaataysan.