Wararka

Hay”adda Qatar Charity oo dalka ka wadda Howla mashaariic oo isugu jira kuwo gar gaar iyo mid horumarineed.

Hay”adda Qatar Charity ayaa wadda Howla mashaariic oo isugu jira kuwo gar gaar iyo mid horumarineed oo ay ka fulinayso magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana ka faaideysanaayo kumanaan shacab dan yer ah iyo qoysaska haysta agoonta.

mashaariicda waxay isugu jiraan waxbarashada,caafimaadka,iyo fursadaha dhaqaale abuurka uu ah dadka danyerta ah,sida uu sheegay Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya.

Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa hay’adda Qatar Charity waxaa ay ka hirgelisay Masjid weyn oo lagu magacaabo masjid Jaamaca, kaasi oo loogu talagalay in dadka deegaanku ay cibaadada Alle uga faa’ideystaan,culimada iyo shacabka deegaanka ayaana siweyn u soo dhaweyeeyay talaabadan,iyagoo (Qatar Charaty) uga mahadceliyay garab istaaga bulshada.

Munaasabad lagu furaayay mashaariicdaan ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza,Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdinuur Xaaji Cali, culimaa”udiin iyo qeybaha bulshada.

Sidookale ha’adda Qatar Charity ayaa ciid siisay ilaa 500 caruur ah agoon ah kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Ha’adda Qatar Charity ayaa isla Somaliland gaar ahaan magaalada Waridaad waxaa ay ka dhistay Waridaad Masjid iyo xarun caafimaad,taasi oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Soomaaliland iyo wasiirka arrimaha bulshada.

Ilaa 11 kun oo qoys ayaa ka faaideyta barnaamijka Afurinta Qatar Charity, ee Muqdisho iyo gobolada dalka inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan sidookale waxaa jira kumanaan qoys oo kale oo ka faa’ideysta raashiin gar gaar ah oo gobolada dalka loogu qeybiyo.

Waxaa intaasi dheer ilaa 25,000 kun oo caruur agoon ah,kuwaasi oo noloshooda iyo daryeelkooda ay gacanta ku hayso Hay’adda,howlaha gar gaarka ayaa ah kuwo joogto ah,balse waxaa soo weliya howlaha afurinta iyo ciidsiinta danyerta oo sanadkasta ay bixiso.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close