Wararka
Hay”adda Qatar Charity oo bilawday barnaamij afurin dadka dabaalaysan.
Xalfad lagu daah furayay barnaamij tala galkiisu yahay in lagu afuriyo 1100 kun rux oo isugu jira danyar iyo barakacayaasha ku nool Caasimada Muqdisho iyo gobolada Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Barnaamijkaan ayaa socon doona ilaa 30-ka bisha Ramadaan, waxaana furitaanka Munaasabadan kasoo qeybgalay Wasiirka Gargaarka,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya,Danjiraah Qatar ee Soomaaliya Madaxda Hay’adda Qatar Charity,aqoonyahano iyo xubno ka socda bahda waxbarashada.
shacabka iyo ganacsatada Dalka Qatar ayaa dhaqaalahaan iska soo aruuriyay waxaa ayna ugu talagaleen in ay ku caawiyaan shacabka Soomaaliyed, kuwooda dhibaataysan.
Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay”adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa daahfurka munaasabada ka sheegay sida ay ugu talagaleen in ay u fuliyaan mashruucani afurinta dadka sooman.
“Maanta waxaan rabnaa in aan daahfurno mashruuc balaaran oo afurin ah,oo lagu afurin doono 1100 kun oo qof dhamaan gobolada dalka Soomaaliya,dhamaan gobolada ayuu ka bilowday,waxaana xooga saari doonaan dadka barakacayaasha ah,dadka barakacayaasha ah oo u badan deegaanada Treedishe iyo dhaman gobolada dalka,waxa gargaarka aan ugu talagalnay waqtigan oo dadku baahiy ay u qabaan,marka sanadkan saad wada ogsoontihiin waxaa soo daahay waqtigii roobka ayaa soo daaha, marka culeys ayaa ka dagaya dadka”.
Wasiiru Dowlaha Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Cabdixakiin Ashkir ayaa barnaamijkaan ku tilmaamay in uu yahay mid wanagsan oo ay muhiim tahay in loo gargaara dadka dabaalaysan waxaa uuna ugu mahadceliyay fursadaha waxbarasho oo Hay”adda Qatar Charity ay siiso dhalinyaro Soomaaliyeed.
“Dalkeenu wuxuu u baahanyahay in waxbarashada dhalinyarada iyo garaadkooda la garab istaago,si ay beri ay dadka iyo dalku ay u garab istaagaan,marka mashruucan waa mid dhiirogelin mudan,waxaa ka sii wanaagsan deeqaha waxbarasho ee ardayda la siinayo”.Ayuu yiri Ashkir.
Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda Gargaaka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa ka hadlay howlaha gargaarka ee dalka ka socda iyo dhibaatooyinka ay qabaan shacabka Somaaliyeed isagoo u mahadceliyay Hay”adda Qatar Charity waxaa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay ku deydaan mashaariicdan gargaarka ah oo kale,si loo samatabixiyo dadka tabaalaysan.