Wararka

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Sacuudiga oo adeegya caafimaad iyo gar-gaar deg ah ka fidin doonta Xajka.

Masuuliyiinta Hay’adda Laanqayrta Cas ee Sacuudiga ayaa Bilaabay Gurmad deg deg ah iyo adeegya Caafimaad oo ay u fidiniyaan Xujeeyda sanadkaa iyo dadka Soo Booqda Masjidka Nabiga.

Sargaal u hadlay Hay’adda Laanqayrta Cas ee Sacuudiga oo lagu magacaabo  Khalid Al-Sahli, ayaa sheegay in masuuliyiinta hay’adda ay diyaariyeen 60 koox  oo adeegya caafimaad iyo gargaar deg deg ah ka fuliya meelaha ay xujeyda sanadkaan iskuugu imaaniyaan.

Sargaalkaan ayaa sidoo kale sheegay in kooxda fulinayso adeegyada Caafimadka ay u kala shaqayn doonaan laba galin.

Khalid Al-Sahli ayaa intaasi sii raaciyay in Talaadadii ay si iskaa wax u qabso ah ay u shaqa bilaabeen rag iyo dumar  tiradooda ay gaarayso  1,000.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close