Wararka
Hay’adda Caafimaadka adduunka oo Qalab caafimaad soo gaarsiisay Soomaaliya.

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maanta Qalabka Baaritaanka Cudurka Coronaviruska ku wareejisay Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in Qarashka lagu soo gaday Qalabkaani ay ku deeqday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya sidoo kale na ay gacan ka gaystay keenista qalabkan Hay’adda Cunnada Aduunka ee FOA.
“Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa waxa ay maanta Qalabka Baaritaanka Cudurka Corona ku wareejisay Wasaardda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada. Waxa lacagta qalabka lagu soo gaday ku deeqday Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya. Waxaana gacan ka gaystay keenista qalabkan Hay’adda Cunnada Aduunka”. ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.