Wararka
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka dalka oo kulan ku yeeshay Muqdisho.
Waxa maanta magaalada Mugdisho ee caasimada dalka kulan isugu yimaadeen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Saalax Ahmed Jaamac ayaa shir gudoomiyay kulan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.
Intii lagu guda jiray kulankaas ayaa waxaa la’isku afgartay in laga tashado sidii loo dardargelin lahaa howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo u diyaar garowga sidii loo bilaabi lahaa latashiyada dadweynaha iyo wacyigalinta ee Arrimaha Dastuurka.