Wararka

Haweneydii ninkii dilay George Floyd oo dalbatay Furniin iyo magan-galyo.

xaaskii dilaagii Arxanka darnaa ee Derek Chauvin ayaa dalbatay furiin kadib markii ninkiida lagu xukumay dilkii foosha xumaa ee uu u gaystay George Floyd oo ahaa madoow haysto dhalashada Maraykanka oo Isbuucii la soo dhaafay ku dhintay Magaalada Minneapolis.

Qareenka Kellie Chauvin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kellie iyo reer keeda ay aad ugu xunyihiin dilkii loo gaystay Floyd oo ay dhibta iyo tiiraanyada la qaybsanayaan dhamaan ehelka iyo asxaabta George Floyd.

Qareenka ayaa intaas ku daray in uu la hadlay Kellie Chauvin iyo qoyskeeda oo ay u sheegeen in ay doonayaan in ay kala tagaan Derek Chauvin waxaa uuna intaasi ku daray in ay sidoo kale dalbadeen in la dhowro amaankooda wakhtigaani adag.

Derek Chauvin ayaa la xiray sidoo kalena lagu xukumay heerka seddexaad ee dilka iyo qowricii uu u gaystay Floyd. Sidoo kale waxaa dilkaasi loo soo xir xiray ilaa afar sargaal oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka wilkaasi Madowga ah.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close