Madadaalo
Haweeney jabisay rekoorkii u yaalay haweeneyda ugu ciddiyadaha dheer caalamka.
Haweenay kasoo jeeda dalka Maraykanka oo layirahdo Chris Walton ayaa jabisay rekoor u yaalay haweeneyda layirahdo Lee Redmond taas oo aheyd haweeneyda caalamka ugu ciddayaha dheer.
Chris Walton ayaa noqotay haweeneyda ugu ciddiyaha dheer addunka waxaa ayna cabirka wadarta ciddiyaheeda gaariyaan 19-feet iyo 9-inches.
Haweeneydaan ayaa jabisay rikoorka looyaqaanno Guinness World Records waxaa ayna ka ciddiya dheeraatay haweeneydii horey u haysatay rikoorkaan taas oo cabirka wadarta ciddiyaheeda ay gaarayeen 14-feet.
Lee Redmond oo aheyd haweneyda ugu ciddiyaha dheer addunka ayaa sanadkii 2009-kii ciddiyaheeda ku waysay shil gaari oo qabsaday.
Chris Walton ayaa sheegtay in ay wax dhiba ku heynin ciddiyahaan iyadoo xaqiijisay in ay qabato shaqooyinka caadiga ah ee guriga.