Wararka
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka war bixiyay kulan uu kaga qayb galay dalka Ruushka.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamud Cali oo ka qeyblaya shirka INCOSAI2019 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa warbixin kooban oo uu bixiyey ku sheegay in Soomaaliya ay sannadkan 2019 qaadatey habraaca baarista casriga ah oo ay Hantidhowrada Adduunku ku dhaqmaan (ISSAI standards).
Hantidhowraha Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in XHGQ kala shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda qaadashada & ku dhaqanka habraaca warbixin Maaliyadeedka loo yaqaan (IPSAS Cash Based). Waa guul usoo hoyatey Soomaaliya oo la doonayo in horey loo sii dhaqaajiyo.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatey dhiggiisa waddamada Turkey, Finland, UAE, KSA, & hay’adaha AFROSAI-E & ARABOSAI oo ay Soomaaliya xubin nimadeeda dib usoo ceshatey, isagoo kala hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & taagerada xirfadda farsamo oo ay wadaagaan.