Wararka
Halkee ayuu marayaa Xalka falastiiniyinta iyo Israel? (akhriso).

Milatariga Israel ayaa ku soo waramaya in dhawaqa seeriga ay hada ka bilaabeen qeybo ka mid ah Israel kadib markii ay sheegeen in seeriga aan la yeerin saacado .
Seeriga digniinta ah ayaa laga Yeeriyay magaalooyin ay ka mid yihiin Kfar Aza, Nahal Oz, iyo Zimrat oo u dhow waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo dadka loo dirayo in ay u cararaan guryahooda.
Seerigaan ayay Israel u isticmaalaysaa in dadka deegaanka ay ugu digto gantaallo lagu soo tuurayo dhanka Israel oo ka imanaya Gaza.
Afhayeen u hadlay militiriga Israel oo lagu magacaabo Gen Hidai Zilberman ayaa sheegay in 60 diyaaradood oo dagaal ay bartilmaameedsadeen qayb ka mid ah keedka Gantadalada ee ururka Xamaas oo dhulka hoostiisa ah waxaa uuna intaas ku daray in diyaaradahooda ay bur buriyeen 10 ilaa 15 KM oo Godod ah.
Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 212 qof, oo ay ku jiraan 61 carruur ah iyo 36 haween ah la dilay.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku biiray baaqyada xabad joojinta ee u dhaxeysa Israel iyo Falastiiniyiinta
Rabshadaha ayaa galay toddobaadkiisii labaad waxaana ku dhintay in ka badan 200 oo qof gudaha Gaza iyo 10 Israa’iiliyiin ah.
Taliye sare oo ka tirsan ururka xamaas ayaa loo maleynayaa inuu ka mid yahay Falastiiniyiinta la dilay Isniintii.