Wararka

Gudoomiye Xigeenka Labaad Ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad”Ciidamada kenya waxay xasuq ka wadaan gobolka Gedo”

Gudoomiye Xigeenka Labaad Ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa si kulul ugu hadlay xad gudubka cad ee ay ciidamada Kenya ka wadaan xaduudka Soomaaliya la leedahay Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa si ula kac leh ku qafaashay, sidoo kale dhac iyo dil si ka baxsan bani aadannimada kula kacay dad shacab ah oo ku dhaqnaa deeganada Degmada Ceel waaq ee xaduudka Soomaaliya la leedahay Kenya.

Qaar kamid ah meydka dadkaasi oo si xul loo jir dilay ayaa la keenay barxada Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo waxaana maanta Magaalooyinka Gobolka Gedo is qabsaday dibad baxyo ka dhan ah xad gudubka Ciidamda Kenya.

Gudoomiye Xigeenka Labaad Ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad waxaa uu Wasaaradaha arrimaha dibada, arrimaha gudaha iyo Amniga ka dalbaday in Golaha shacabka la hor keeno cadeemo badan iyo sababaha keenay in ficilada aan wanagsaneen ee ay ciidamda Kenya kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed Soo cel celiyay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close