Wararka

Gudoomiye kuxigeenka gudiga beeraha DFS oo kormeer ku tagay beeraha Ku yaallo duleedka Baydhabo.

Gudoomiye kuxigeenka gudiga beeraha Dowlada federaalka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Ibrahim ayaa manta booqadey beeraha kuyaala banaanka magaalada baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenka waxaa socdaalka kuwehlinaayay qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka, Guddoomiyaha Is-kaashatada Baydhabo iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Is-kaashatada Baydhabo, Mohamed Xassan Aadan oo ugu horeen soodhaweeyay masuuliyiintii kasocotay dowlada Dhexe ayaa aad iyo aad ugu mahadceliyay masuuliyiinta maanta booqashada ugu yimid isagoo ugu xaal waramay baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan beeraleyda Baydhabo.

Gudoomiye kuxigeenka gudiga beeraha Dowlada federaalka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Ibrahim oo dhankiisa kormeerka kadib ka hadlay socdaalkiisa ayaa sheegay in ay maanta u kuur galaayeen si ay waxbadan ugu ogaadaan xaaladaha ay kusugan yihiin beeralayda reer Koonfur galbeed ayna waxbadan ka caabin doonaa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close