Wararka
Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banadir oo kulan la qaatay Gudoomiyasha Degmooyinka.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banadir Axmed Xasan Iimaan iyo Gudoomiyaha arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jektti) ayaa maanta kulan laqaatay Gudoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulankaan oo lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa looga hadlay Dardar galinta dakhli kordhinta Dowladda Hoose oo ay qayb lixaad leh ka qaadanayaan Gudoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waa kulankii ugu horeeyay ee uu Gudomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banadir uu la yeesha Gudoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo soo magacaabay.