Wararka

Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaadaty Qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Mudug.

Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Faandhe oo safar shaqo ku joogta Gobalka Mudug maagalada Galkacyo ayaa kulamo wadatashi la yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo.

Waxaa gudoomiye ku-xigeenka kulankaani ku wehlinaayay  wasiiro, wasiiro kuxigeeno, iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Xaflad balaadhan oo ay isugu yimaadeen ururada haweenka, dhalin yarada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la isaga xog waraystay arimo badan oo ku saabsan Galmudug gaar ahaan Gobalka mudug.

Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa dadka gobalka mudug waxaa ay kula dardaarantay in ay u diyaar garoobaan sidii ay ula xisaabtami lahaayeen dawladooda iyo sidii ay ula tartami lahaayeen horumarada ka jira gobalada kale, iyadoo sheegtay in ay u taagan tahay raadinta xuquuqda gobalka Mudug oo ay ku matalayso dawlad goboleedka Galmudug.

Image may contain: 1 person, standing and textImage may contain: one or more people and textImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 9 people, people sittingImage may contain: 10 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close