Wararka
Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaacil Ibraahim ayaa maanta Xarunta dhexe ee guddiga kula kulantay safiirka Sweden u fadhiya dalka Soomaaliya Staffan Tillander.
Soo dhawayn ka dib gudoomiyaha ayaa warbixin ka siisay safiirka hawlaha u diyaar garowga doorashooyinka dhici doono dabayaaqada sandkaan 2020 iyo sida uu GMDQ ugu diyaar garoobay fulinta doorasho qof iyo cod ah.
Safiirka iyo gudoomiyaha Guddiga ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee labada aqal ka qabteen sharciga doorashooyinka, iyadoo Golaha Shacabka uu horey u soo ansixiyay Sharciga Doorashooyinka halka Aqalka Sare na la filaayo in uu dhawaan ansixiyo.
Hoos ka daawo waxyaabihii looga hadlay kulankaasi.