Wararka

Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashada Jubbaland oo ka warbixinaya Doorashadii Jubbaland iyo marxaladihii laga soo gudbay.

Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubbaland Xamse Cabdi Barre oo ka warbixiyay doorashadii ka dhacday dowlad Goboleedkaasi ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso waxaase uu su’aal galiyay waxa xaq darrada ka dhigay doorashadii ay qabteen Guddiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubbaland oo sidoo kale xalaal ka dhigay shaqooyinkii ay qabteen Guddiyadii doorashooyinka ee Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Xamse ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federaalka ay Guddiga madaxa banaan ee doorashada Jubbaland ay ku haysay xadgudub ka dhan ah xaqoqda ay u leeyihiin arrimaha doorashada.

“Dastuurka wuxuu xaq inoo siinayaa inaan anaga hawlaha doorashada wadno wixii intaa ka baxsan ee banaanka ka yimaada waa xad gudub iyo afgambi inaga ayaa leh awooda iyo habraaca doorashada DFS waxa ay nagu haysay waxay ahayd xadgudub”. Ayuu yiri Gudoomiye Xamse.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close