Wararka
Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxwweyne Lafta-gareen oo kulan la qaatay ciidamada darawishta KG.
Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka soomaaliya Amb Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Ddowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) ayaa kulan la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka darawiishta KG kuwaasi oo isugu jira ciidan hada tawabar dhamaystay ubaahan in la qalabeeyo iyo ciidan hore utawabarnaa kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayey sidii ciidanka loo ogaan lahaa baahiyaha haysta loona caqabtiri lahaa si loo bilaabo dib uxureyn ka bilaabata guud ahaan gobolka bakool
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka soomaaliya Amb Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan ayaa maanta waqti la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka darawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Cutubyada ciidamada ay maanta la kulmeen Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Madaxweynaha Ddowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isugu jiray ciidan hada tawabar dhamaystay oo u baahan in la qalabeeyo iyo ciidan hore utawabarnaa.
Kulanka ay masuuliyiintaan la qaateen ciidanka daraawishta koonfur Galbeed ayaa waxaa uu u jeedkiisa ahaa sidii loo ogaan lahaa baahiyaha haysta ciidanka waxaana kulanka goobjoog ka ahaa wasiiradaha wasaarada gaashandhiga amniga mareynta iyo masiibooyinka, wasiiru dowlaha xafiiska Raisul wasaaraha, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo warbixin looga dhagaystay wasiir ku xigeenka amniga KG.
Wasiirka wasaarada gaashandhiga xukuumada Somaliya Xasan Maxamed Amar Dambe oo qeyb ka ahaa wafdigii ayaa dhankiisa sheegey in ay ka jawaabi doonan baahiyaha haysta ciidanka ku sugan gobolka Bakool loona dhamaystiri doona aqabyadooda.
Madaxweynaha dowlad goboleedka KG Cabdicasiis Xasan Maxamed ( lafta gareen ) ayaa dhankiisa ciidanka kula dardaarmey in ay ku dadaalan sidii ay amaanka degmooyinka gobolka Bakool u adkeyn lahayeen.
Gudoomiyaha barlamaanka Somaliya amb Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan ayaa amaanay sida ay xukuumada uu hoggaamiya madaxweyne Lafta-gareen uga go’antahaywax ka badalka guud ahaan KG isagoo dhiira galiyay ciidanka kulana dardaarmay sidii ay u adkeyn lahayeen amaanka geeganada Koobfur galbeed.