Wararka

Gudomiyaha Baarlamanka DGKGS oo tababar usoo xiray qaar ka mid ah Xildhibanada Haweenka ah ee Baarlamanka KGS.

Gudomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Maanta si rasmi ah usoo xirey tababar Mudo labo Maalin ah Baydhabo uga socodey qaar ka mid ah Xildhibanada Haweenka ah ee ku jira Baarlamanka KGS.

Intii uu socday tababarkan ayaa waxaa lagu barnaayay sidii Haweenka Xildhibanadaha ee ku jira Baarlamanka KGS qeyb uga noqon lahaayeen Hogaaminta Dowlad Goboleedka KGS.

siminaarkan ayaa waxaa soo qaban qaabisey wasaradda Haweenka Iyo Xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka KGS waxaaba kasoo qayb galay Qaar ka Mid ah Xildhibanada Labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan wasaradda Haweenka KGS.

Abdulkadir Shariif sheekhuna Maye Guddomiyaha Golaha wakillada KGS oo Tababarka soo xirey ayaa ugu horeen u mahadceliyay cid waliba oo gacan ka geysatey Qabsoomidda tababarkan loo qabtey haweenka ku jira Baarlamanka kGS.

Guddomiayaha Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka KGS ayaa ugu dambeyn la dar daaramey Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya iyo Kuwa Koonfur Galbeed isagoona Ku booriyay in Qof waliba oo muwaadin Reer KGS ah waajib ka saaran yahay jiritaanka iyo Horumaka Dowlad Goboleedka KGS in uu ka shaqeeyo.Image may contain: 9 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, sitting, table and outdoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 1 person, standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close