Wararka

Maamulka gobolka Banadir oo gacanta ku dhigay Warshad lagu farsameeyo khamriga.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobolka Banadir Ibraahim Cumar Mahadale ( Ibraahim Dheere) ayaa maanta tagay Warshad lagu farsameeyo khamriga taas oo ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Amniga dalka oo kaashanaayo maamulka Degmada Dayniile.

guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobolka Banadir Ibraahim Cumar Mahadale ( Ibraahim Dheere) ayaa ugu mahadceliyay howlgalkaan ciidanka amniga iyo maamulka Degmada Dayniile dedaalka ay u galeen in ay gacanta ku dhigaan Warshad lagu farsameeyo khamriga.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay kooxa burcad ah oo habeenkii dadka dhac u gaysan jiray kuwaas oo lagu soo qab-qabtay hubkii ay wax ku dhici jireen iyo 30 mobile.

Ugu danbeyn guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobolka Banadir oo ka hadlay dhibatada maantooriyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka Banadir ay ka go’antahay cirib tirka waxyaabaha maanka dooriya oo khamriga koow ka yahay.

“Waxaan ku bogaadinayaa maamulka Degmada Dayniile dedaalka ay u galeen in ay gacanta ku dhigaan Warshad lagu farsameeyo khamriga,Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka Go’an markasta in ay la dagaalamaan wax kasta oo bulshadeena dhib ku ah oo uu Khamrigo ugu horeeyo”. Ayuu yiri Ibraahim Dheere.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close