Wararka
Gudiga ka hortaga Cudurka coronovirus ee KGS oo kulan ku yeeshay Baydhabo.

Gudiga ka hortaga Cudurka coronovirus iyo lamaha Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee caasimada kmg koonfur Galbeed Soomaliya waxana looga hadlay arrimo ku aadan ka hortaga faafida cudurka caronaviruska.
Kulankan ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah golaha weasiirada mamulkaasi KGS iyo masuuliyiin ka socotay gobolka Shabelada hoose waxana si qoto dheer looga hadlay cudurka carona virus oo la sheegay in ruuxii ugu horeyey uu ugu geryooday magalada Muqdisho sida ay shaacisay wasarada caafimaadka XFS.
Wasiirka Wasaradda Warfaafinta KGS Hassan Abdi Mohamed Oo ka warbixinayey kullankan ayaa sheegay in KG Soomaliya ay shaqaale caafimaad gaysay wadooyinka laga galo mamaulkaasi si ay feejignaan dheeri kaga galaan cudurka.
Dhanka kale wasiirka ayaa ganacsatada KGS ugu baaqey in aysan shacabka Koonfur Galbeed ku qaaliyeyn maciishada quutul daruuriga.