Wararka
Gudiga hoosaadka Wasiirada Hirshabeelle ayaa Ka shiray halbeegayda la doonayo sanadkaa 2019 hirshabeelle inay qabato.
Guddi hoosaadka golaha wasiirrada Hir-shabeelle ee tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa yeeshay shirkooda todobaadlaha ah ee Tubta kaas oo looga hadlay halbeegyada la doonayo in la dhaqan geliyo sannadkaan 2019.
Sidoo Kale Shirka ayaa looga hadlay Dhismaha Goloyaasha deegaanka, Hir-galinta Hannaanka Dhab-u-hishiisiinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, Dib-u-eegista Dastuurka Dowlad goboleedka Hirshabelle, si loo waafajiyo Dastuurka Qaranka iyo ka qayb galka wadatashiyada dib-u-eegista dastuurka qaranka.
Dhawaan Ayay Ahayd Markii shaqo howleedka dawlad gobaleedka Hir-shabeelle la waafajiyay tubaha qaranka arrintaas oo qayb ka ah dadaallada lagu daadejinayo shaqooyinka laguna adkaynayo wada shaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowlada Dhexe.