Wararka
Gudiga dib uhabaynta Ciidammada Dawlad Puntland oo tira koob ku sameeyay Ciidammada Asluubta ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Aniga dowlad goboleedka Puntland iyo masuuliyiin uu hoggaaminaayay ayaa Tiro koob ku sameeyay ciidamada Asluubta ee Gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga iyo DDR Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay Saraakiisha iyo Ciidammada ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay muhiimada ay leedahay tirakoob ka Ciidammada ee gudigu wadaaan.
Gudiga dib uhabaynta Ciidammada oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa ku guulystay in ay tiro koob rasmiha ku sameeyaan Ciidammada Booliska ee Gobolka Mudug.