Wararka
Gudiga dib u-habaynta Ciidamada Puntland oo garay magalada Boosaaso.
Boosaaso (tusmotv.so) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawlad goboleedka Puntland ahna Guddoomiyaha gudiga dib u-habaynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso.
Weftiga uu hoggaaminayay Wasiirku waxaa ka mid ahaa Xubnaha kale ee Gudiga oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha guud ee Ciidamada daraawiishta Gen Yaasin Cumar dheere, Taliyaha Ciidamada booliska Gen Cabdi Xasan iyo Masuuliyiin kale.
Gudiga ayaa dhowaan booqday Dugsiyada tababarka Ciidamada ee Xorgoble iyo Giriin si ay wax uga ogaadaan hannaanka Tababarka ee ka socda .