Wararka
Gudiga arimaha Xajka Soomaaliya oo shaaca ka qaadey shirkadaha sandkan utartamay adeegyada Xajka iyo tirade xujaayda sanadkaan.
Guddigaan oo ay dhowaan magacawday dowlada Soomaaliya ayaa go’an ka soo saarey shirkadaha sandkan utartamaya qabashada adeegyada xajka waxa ay soo bandhigen shirkado dhowr ah utartimi doona adegyadaasi.
Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa sheegay in tirada Soomaaliya loo ogolaaday xajka sanadkan ay yihiin 11,500 oo Xaaji,isla markaana Wasaaradda arimaha Diinta iyo Awqaafta ee dowlada fadraalka Soomaliya ay Bishii April go’aamisay in Shirkadaha ka qeyb galaya tartanka ay ku Shaqeeyaan nidaamka Xablooyinka ayna galaan tartan loona siman yahay fursadaha .
Suldaan Cabdi Qani aya intaa ku daray in qiimaha Xajka ee sanadkaan uu yahay $3600 oo Dollar halka qiimaha ugu sareeya ee vip-da ay tahay 5,000 oo Dollar.
Dowlada fadaralka Soomaliya ayaa dhowaan magacawday gudigan ka shaqeya arimaha xajka si ay Go’aan uga gaaraan shirkadaha u tartamaya Xujeyda Soomaalida ee Sanadkaan iyo waliba qiimaha Xajka oo walac badan laga muujiyay sanadihii udambeyey.