Wararka
Guddoonka golaha shacabka oo kulan la qaatay danjirayaal dhowr ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan, ayaa Maanta kulan laqaatay madaxda Danjirayaasha Qaramada midoobay ee Soomaaliya, AMISOM , Ingiriiska iyo Waddamo kale.
Kulakan uu guddoomiyaha la yeeshay danjirayaasha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada la filayo in ay ka dhacado Dalka Soomaaliya 2020 -2021 ka iyo xoojinta wada shaqynta Labada dhinac.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan markii uu kulanka soo idlaaday u mahadceliyay dhamaan danjirayaashii uu kulanka la qaatay waxaa uuna sheegay in kulanka uu ahaa mid mira dhal ah.