Wararka
Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lagu dhawaaqay.

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ku guuleystay doorashadii guddomiyaha baarlamaanka Galmudug ee maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb waxaana uu codadkii la tiriyay oo ahaa 89 cod ka helay 54 halka mudanaha la tartamay Cabdinaasir Aadan Cismaan uu isna helay 34 cod hal cod ayaa halaabay sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada guddoonka.
Natiijada markii lagu dhawaaqay kadib ayaa waxaa hadlay Cabdinaasir Aadan Cismaan oo laga guuleystay isagoo balan qaaday in uu la shaqeyn doono godoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galamudug Dr Maxamed Nuur Gacal.
Gudoonka Cusub ee baarlamaanka Galmaudug ayaa Tartan adag la galay Cabdinaasir Aadan Cismaan oo helay 34 cod.
Uga dambeyntiina godoomiye gacal ayaa la dhaariyey.