Wararka
GUDDOOMIYIHII DEGMADA HODAN OO AAS LOOGU SAMEEYAY MUQDISHO.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Mas’uuliyiin ka tirsan heer Federaal iyo Gobolka ayaa ka qeyb galay Aaska Allaha u naxriiste Guddoomiyihii Degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).
Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha Degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.
Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Allaha u Naxriistee Marxuum Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii Firdowso ka waraabiyo.