Wararka

Guddoomiye Mursal oo hadal ka jeediyay kulanka guud ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS ayaa ugu horeyn hadal ka  jeediyay kulanka 2-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay Xaaladda amni ee dalka sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo Hay’adaha amaanka ee Dalka.

waxaa kullankaan maanta soo xaadiray 156 xildhibaan iyadoo aay laba mar dib u dhac ku yimid furitaanka kulanka 2-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ka hadlay arrinta dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa waxa uuna sheegay in dhameystirka dastuurka uu dalka muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah,waxaana dhinaca kale  xukuumadda federaalka Soomaaliya uu sheegay in laga sugaayo soo gudbinta shuruucda dalka muhiimka u ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale faray guddiga Isgaarsiinta ee golaha shacabka in ay baaritaano sameeyaan oo ay warbixin ka keenaan xarumo shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo la burburiyay kuwaasoo ku yaala Qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Sidoo kale Guddiga la socodka,dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa golaha usoo gudbiyay Warbixin ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubyada 1-5-aad ee dastuurka, waxaana warbixinta golaha u aqriyay Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in arrinta dastuurka ay muhiim u tahay in lagu daro arrinta Somaliland oo muhiim u ah dhameystirka dalka.

Kulanka guud ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loogu qeybiyay waxka bedelida sharciga furdooyinka,soo gudbin axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah,hindise sharciyeedka maamulka dakhliga ,Miisaaniyadda sanadka 201-9-ka,Warbixinta afar biloodlaha ah ee guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka iyo xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close