Wararka

Guddoomiye Maxamed Mursal oo magacaaba Guddi KMG ah oo soo diyariyo saamaynta Covid19.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay guddi KMG ah oo loo xilsaaray diyaarinta saamaynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka, iyadoo magacaabidda guddigaan ku soo aadayso waqti uu gabagabo uu marayo muddo xileedka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo sameeyaan saamaynta cudurkaas, isla markaana natiijada ka soo baxda xog uruurintaas ay u soo gudbiyaan golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka uu saameeyay cudurka Coronavirus oo ay jireen kiisas laga helay oo gaarayay kumanaan ruux, waxaana u dhintay dad boqol ku dhow.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close