Wararka
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddeey oo Maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa Dalka dabidiisa ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimda Soomaaliya dib ugu soo laabtay.
Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddeey Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Ibraahim oo Warbaahinta kula hadlay qaybta V.I.P-da ee garoonka ayaa u mahad naqay dhamaan wasiiradii iyo xildhibaanadii soo dhaweynta balaaran u sameeyay.