Wararka
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka oo maanta shir guddomiyay kullankii 13-aad ee ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Cabdiwali Sheikh Muudeey ayaa maanta shir guddomiyay kullankii 13-aad ee ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Dakhliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda,waxaana golaha u akhriyay Wasiirka Maaliyadda Dalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Sidookale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maanta Akhrinta seddaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha xildhibaanadda u faah faahiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha,Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka.
Ugu danbeyn Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa cod geliyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha , 142-Xildhibaan oo xaadir ku ahaa kullanka ayaa dhamaantood aqbalay Hindisaha sida uu natiijada ku dhawaaqay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray.