Wararka

Guddoomiye Cumar Filish oo maanta  kulankiisi ugu horeeyay shir guddoomiyay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa markii ugu horeysay kulan la qaatay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa mid uu duqa Muqdisho ku xog wareysanayay madaxda degmooyinka.

Kulankaani waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee gobolka iyadoo inta uu shirkani socday aad looga hadlay dhowr ajando oo ay kamid ahaayeen dardargalinta sugida amniga Caasimadda, ka qeyb qaadashada arimaha nadaafada iyo sidoo kale xoojinta barnaamijka cashuuraha si kor loogu qaado daqliga gobolka islamarkaana loo balaariyo fulinta mashaaric wax ku’ool ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa kulnkaan shir guddoomiyay  waxaa uuna noqoniyaa kulankii ugu horeeyay oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cumar Filish tan iyo 24-kii bishii July ee sanadkani kadib qaraxii ka dhacay Aqalka dowlada hoose Xamar uu ku geeriyooday Allah u naxariistee Eng. Yariisow.Image may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close