Wararka
Guddoomiye cumar Filish oo kulan la qaatay ururka Haweenka Qaranka .
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Caasimadda muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar filish) ayaa Maanta Kaqayb Galay shir Wada tashi ah oo Looga Hadlaayay arimaha Haweenka iyo Dhismaha Nabadda oo ay Soo Qaban Qaabiyeen ururka Haweenka Qaranka .
Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheikh axmed Gabale ayaa Waxa ay Sheegtay in ay maamulka Gobalka Banaadir Kutaageerayaan Furitaanka Wadooyinka Xeran iyo amniga ayna Qaadanayaan Doorkooda kaga aadan.
Kulankaan ayaa kamid ah kulamo uu Guddoomiyaha Gobolka Banadir la qaadanaayo qaar kamid ah Ururada Bulshada iyo shacabka Magaalada Muqdisho.