Wararka

Guddoomiye Cumar Filish “Dad badan ayaa u ildaran qaarna waa ay u dhinteen anigu aan garanaayo”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada gaar ahaan wadada isku xirta Isgooska Boondheere iyo isgooska Siinaay oo ah wado aad u burbursan oo isticmaal keedana ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jirten.

Wadadan uu dhagax dhigay Duqa Muqdisho ayaa kamid ah wadooyinka ugu isticmaalka badan ee Caasimada maadama uu ku yaalo Suuqa Weyn ee Siinaay oo kulmiso degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sidoo kale ka hadlay Cudurka COVID-19 oo dhibaata ba’an ku haayo aduunka waxaa uuna sheegay in ay jiraan dad isaga uu yaqaano oo u dhintay xanuunkaan waxaa uuna shacabka caasimada ku dhaqan ka codsaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan wasaaradda caafimaadka ayna qataan talooyinka ugu imaanayo wasaaradda caafimaadka iyo Hay’adda caafimaadka aduunka.

“waxaan ka walaacsannahay xaaladaha sii kordhaya ee COVID19, bulshaduna waa in ay si dhab ah ugu dedaallaan ka hortagga cudurkaan” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Magaalada Muqdisho waxaa laga yabaa dadka in ay ka warqabin, waxaa soo gaartay Bukaan, Cudurkaasi waa soo gaaray, dad badan ayaa u ildaran qaarna waa ay u dhinteen anigu aan garanaayo aan dibad ka imaan oo dalkoodi joogya” Image may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close