Wararka
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo xariga ka jaray Xafiiska Kormeerka iyo Qiimeynta Wax-qabadka Maamulka Gobolka
Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa maanta xariga ka jaray Xafiiska Kormeerka iyo Qiimeynta Wax-qabadka Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Furitaanka Xafiiskaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka ee Arrimaha Bulshada & Wacyi-gelinta, Marwo Basma Caamir Axmed, Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta Wax-qabadka, Cabdulqaadir Muxiyadiin Axmed (Dalxa) iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka.
Waaxdaan oo uu dhawaan Magacaabay Duqa Muqdisho ayaa waxa ay Kormeer iyo Qiimeyn ku sameyn doonta Howlaha Wax-qabad ee xafiisyada Maamulka si loo gaaro isla xisaabtan dhab ah.