Wararka
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo shir kaga qayb galay dalka Angola.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qayb galay Shirkii 5-aad ee Golaha Sare ee Garsoorka Afrika
Shirkaan oo magaalada Luanda ka furmay shalay ayaa waxaa looga hadlaayaa dhawrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Aadamaha iyo kaalinta Garsoorka.
Madaxwaynaha dalka Angola Joã Manuel Gonçalves Lourenceç, , ayaa furay shirkaan waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socota garsoorka wadamada qaaradda Afrika.