Wararka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo kulan la qaatay Hawlwadeenada Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku xigeenka 2aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa kulan la qaatay Hawlwadeenada Golaha Wakiillada.
Kulanka ayaa ujeedadiisa aheyd Dardargelinta shaqada, tayadda Golaha iyo la-dardaaranka Hawl-wadeenada.
Xoghayaha Guud iyo Agaasimeyaasha Golaha ayaa ugu horeyn la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan shaqooyinka waaxyaha Golaha oo ka kooban 10 waaxyood, waxyaabaha u qaabsoomay sanadkii hore, qorshaha shaqo ee sanadka cusub 2021.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa boggaadiyey shaqada la qabtay wuxuuna faray dhammaan Hawl-wadeenada inay sare u qaadaan tayadda shaqada Golaha Wakiillada.