Wararka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed oo maanta ku geeriyoodey magaalada Carmo.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha Wakiillada, waxaan guud ahaan shacabka Puntland, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” ayuu Yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland.
Guddoomiyaha ayaa Xaajiga ku tilmaamay ganacsadi, samafale nabadda iyo shaqsi wanaagga jecel waxaa uuna Eeba ugu baryay in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo Marxuumka.
“Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed waxa uu ahaa Ganacsada iyo samatalis nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Reer Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.