Wararka
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo qayb galay xaflad ay arday Soomaaliyeed ku qalinjabisay.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuridda federalka soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen arday gaaraysa ku dhawaad 200 oo arday kuwaasi oo ka baxay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Umadda soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa ardayda Soomaaliyeed ee bogta culuumta kale gadisan kula dar-daarmay in ay ka qayb qataan wax soo saarka dalka oo ay ku dhiira galiyaan dadweynaha Soomaaliyeed tacbashada beeraha iyo dhaqista xoolaha si abaaraha iyo macluusha looga baxo.
Ardaydan maanta qalin jabisay ayaa noqonaya dufacadii 21aad Ee jaamacadda Umadda soomaaliyeed. Sidoo kale Jamacadda ayaa u dabaal dagtay 70tan sano guuraddii ka soo wareegatay aas aaskeeda.