Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay Geerida AUN Sheekh Aadan Towfiiq.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxriistee Sheekh Aadan Xasan (Sheekh Aadan Towfiiq) oo ku geeriyooday Magaaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Guddoomiye Mursal ayaa Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay koonfurta Soomaaliya waxa uuna caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka.
“Innaa lillaah wa innaa Illeehi Raajicuun Allaha ha u naxriisto Sheekh Aadan Xasan “Sheekh Aadan Towfiiiq” rabi naxriistii jano ha siiyo,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo,marti la jecelyahayna Allaha haka dhigo,waxa uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay koonfurta Soomaaliya waxa uuna caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xasan ku sheegay in muddadii uu noolaa uu wakhtigiisa ku bixiyay sidii uu ugu Khidmeyn lahaa shacabkiisa iyo dalkiisa.
Isagoo hadalkiisa sii watana waxaa uu yiri “waxa uuna mudadii uu noolaa waqtigiisa ku bixiyay u khidmeynta dadkiisa iyo dalkiisa isagoo soo saaray dad Badan oo uu diinta Islaamka baray Illaahey ha u naxriisto anagana gadaashiisa Illaahey nama fidneeyo”.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska iyo ehelada marxuumka uu ka geeriyooday Illaahey ugu baryay.Inuu samir iyo iimaan ka siiyo.